» Meeraysane Online Isha Wararka Sugan.  
 
PHOTO GALLERY TACSI
 
 
Waa Book Cusub oo lamagac baxay Ahmed iyo Nasiib
This article has been Published at: 28-05-2009 03: 43: 03and has been viewed 4702 times
waxaa mahad ballaaran leh oon la soo koobi karin Allihii ii suura galiyay inaan soo saaro buugaan la magac baxay Axmed iyo Nasiib. Jaceylku sidiisaba waa shey qaali ah xubin muhiim ahna u ah nolosha bini’aadamka, waayo hadaanu jaceyl jirin bini’aadam koonkaan ma joogin laheyn, Jaceylku wuxuu soo bilaabmay xilligii Nabi Aadan iyo Hooyo Xaawo la Abuuray. Sida ay diintu sheegtay Xaawo ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxaa soo kaxeeyay Ibliis, wuxuuna keenay meel biyo ku jiraan, kadibna wuxuu tusay sawirkeedii oo biyaha ka muuqanaya asaga oo uga dhigaya in ay tahay naag kale ayadana lala qabo. Hooyo xaawo naagtaas aad ayay uga maseyrtay weliba ayada Oo og in uusan ilaahay abuurin naag kale, balse waxa kallifay in ay Maseyrto wuxuu ahaa ayada oo jecleyd Nabi Aadan N.N.K.H. Jaceylku waa xubin xasaasi ah nolosha bini’aadamkana dowr muhiim ah ku leh, sidaas darteed buugaan wuxuu ka sheekeenayaa Qiso jaceyl oo dhab ah kana dhacday waddanka Keyna gaar ahaan magaalada Nairobi. Buugaani malahan wax anshax xumo ah ama wax uu dhaqankeenu diidayo, waxaa ku jira murti badan iyo gabayo si hagar la’aan ah loogu sameeyay

 


Xaarxaar Online: Maamulka@xaarxaar.com 

 
COMMENTS ( 1 )
haneycadey@hotmail.com

carabey waan ku salamay

2010-03-09
Page 1
 

Your e-mail :

Your Comment:




MOST READ
LATEST NEWS
 
 
 
Copyright © 2009 xaarxaar.com - All rights reserved contact: maamulka@xaarxaar.com