» Meeraysane Online Isha Wararka Sugan.  
 
PHOTO GALLERY TACSI
 
 
SOMALI HUMANITARIAN AND DEVELOPMENT ASSISTANCES
This article has been Published at: 26-05-2009 04: 36: 52and has been viewed 3837 times
Guddiga Fulinta SOMALI HUMANITARIAN AND DEVELOPMENT ASSISTANCES DHAMMAAM JAALIYADDA BEESHA YUSUF DAAROOD "Aurtable"

March 15, 2009

Guddiga Fulinta

Waxaa Maanta saacadu markay ahayd 11:00 am "subaxnimo" in xubno ka tirsan Guddiga Fulinta ee Ururka Samafalka ee SOMALI HUMANITARIAN AND DEVELOPMENT ASSISTANCE, ay shir deg-deg ah ku yeesheen xaruntooda ee magaalada San Diego, California. Shirka oo looga hadlaayey qodobo muhiim ah oo wax tar weyn u leh dhammaan jaaliyadda iyo xubnahooda ay joogaan Gudaha iyo Dibadaba.

Ururka Gudiga Fulinta waxay ku howlan yihiin sidey u gaarsiin lahaayeen Jaaliyadda ku nool dalka gudahiisa adeeg wax ku ool ah oo midaysan, ha ahaato kobcinta iyo horumarin bulsho, mashaariic waxbarasho iyo arimo badan oo la xariira.

Haddaba Sidaan wada ogsoonahay go'aamada Ururka waxay ka soo arkumayn shirweynahii lagu qabtay San Diego, taariikhdu markay ahayd March 1 09 laguna ansixiyey Guddiga Fulinta iyo xilka Ururka ee SOMALI HUMANITARIAN AND DEVELOPMENT ASSISTANCES.

Ugu dambaystii, anagoon soo koobi karin Agedahii shirkan, haddana go'aamada shirku waxuu ku salaysanaa "Mission of Statement" ee Ururka. Waxaa xusid mudan in Gudoomiye ku xigeenka Ururka Eng. Abdulahi F. Hirsi iyo Agaasimaha Fulinta Mahamed A. Sheikh-Aden ay gaareen inay soo fuliyaan howlo la xiriira arintan.

Sida aad sawirka ku aragtaan xubno ka tirsan Gudduiga fulinta ee Ururka, magacyadooda iyo xilkoodaba waa sidatan:- Sawirka....."Midig ilaa Bidix"

1- Mahaoud D. Sheikh-Nor......Chairman

2- Abdulkadir Sheikh-Aden Guudcad...................Treasurer

3- Harbi A. Farah "Bagaaje"..........Public Relations

4- Caaqil Mahmed Muumin Omar....Community Relations

5- Mahamud Sheikh Ahmed..............Secretary

Mohamoud Sheikh (somalicommunity96@yahoo.com

 
COMMENTS ( 1 )
idkhalaf@hotmail.com

Bismillaah, Waan idin salaamay, waad ku mahadsan tihiin sidaad isu diyaariseen iyo abaabulka aad gasheen, balse, waxaan jeclaan lahaa in aan maqlo hawlaha aad tilmaanteen wixii ka qabsoomay, mise haddaad unkaysaan. Anigu waa Idris Maxamed Khalaf oo jooga Denmark. Waxaan Denmark ku joognaa illaa shan rag ah oo mid walba magaalo joogo, markaan isgu dhawaano telefoon ayaan isku salaanaa qaarkeen, qaarna maba laga warhayo. Dadku wuxuu u badan yahay xagiinna (USA), UK iyo Sweden, khaasatan USA. Waxaan islahaa dadkiina Maraykanka jooga wax wayn bay qaban karaan hadday iskaashadaan. Waxa la idinkaga fadhiyo ma aha hay\'ad samafal ahe ee waa hay\'ado ganacsi, wax soo saar iwm, oo ummadda tulka ah ee dalkii ku dhibaataysan ay shaqo ka heli karaan idinna aad ka macaashi lahaydeen. Anigu tabar ma hayo, laakiin khibrad iyo waayo aragnimo waan hayaa, Xafiisyo ayaa ka furan China, Malaysiana waa la joogaa oo ah meesha saliidda la cuno laga keeno, mar aan tagay oo aan idha-indheeyayna waxaa ii muuqatay in saliida siyaabo kala duwan looga shaqaysan karo. Ee waxaan jeclaa in aan xaggiina ka maqlo war dhagahayga farax geliya iyo horumar qalbigayga ku diirsado. Waxaan idin rajaynayaa khayr badan, iguna salaama dadkii oo idil. wcsww Idris M Khalaf

2010-01-30
Page 1
 

Your e-mail :

Your Comment:




MOST READ
LATEST NEWS
 
 
 
Copyright © 2009 xaarxaar.com - All rights reserved contact: maamulka@xaarxaar.com