» Meeraysane Online Isha Wararka Sugan.  
 
PHOTO GALLERY TACSI
 
 
Jacayalku waxaa uu u qaybsamaa Sadex qaybood
This article has been Published at: 10-10-2009 13: 21: 50and has been viewed 9131 times
Walalayal hakacajisin inad warqadayda aqrisatan wayo waxa laga yaba inad kafaidaysatan, waxan jeclahay inan kahadlo jacaylka iyo macnihisa iyo waxa ay diinta kaqabto,

Walalayal jacaylka waxa loo qaybiya 3 qaybod jacayl uu ilah rali kayahay waana kan kadhexeyo labada isqabto iyo jacayl ilah uusan rali ka ahayn waana kan wax walbo oo xaran aan laiska ilalinayn, iyo jacayl kadhexeyo dumar iyo rag aan isqabin kaasna lama caayi karo lamana amani karo waxayse ku xirantahay labadas qof qabkay uisticmalan, kan aan rabo inan kahadlo kan kadhexeyo laba doonayso inay nolol wadagan .

Walalayal jacaylku waa warabiyaha nolosha waa inan siqalad loo adegsan waa in laga runshega daacadna loo ahada si cifo kujirtana lagu jila, waxan ognahay dad badan ayaa sixun uisticmalay jacaylkii oo afka ku maxafsaday waxan idin soo jedinaya dhowr nastexo .

Baro jacaylka inta aadan wax jeclan, gabadha ama wiilka aad rabto inad nolol lawadagto diin kudoro inta aad wada socotaana daacad isu ahada hana isku dagdagina adinkon midba midka kale sifican ubaran isku daya inad isfahantan, iskuday ninyahow inad wax uhadiyadayso gabadha aad jeceshahay, inad isbuci halmar lakulantid haday surta gal tahay, hadi kale aad tel kula hadashid bal isku day inad internetka aad isbuci halmar online kula shekaysatid, waayo wax badan oo laga yaba inayna kugu soogudbinkarin telka inay kuusoo gudbiso kuna dadal inad istikharaysato wayo qof ilah latashaday ma khasaro.

Kudadal runta wayo qofka mu'minka ah been mashego, ha'iska dhigin wax aadan ahayn waxa aad tahay ucade ilahna wax usan rali ka ahayn hasamayn. runti intas hadad kudadashan guul ayad garaysan.

Hadaba hadu ilah idin wafajiyo inad isgursatan kudadala inad gurigina u dhistan sidi kii salafki oo kale, si uu ubarakobo waxa kaga filan suratu tawba ayada kujirto oo ah "afaman asasa bunyanahu calaa taqwa minalahi waridwanin khayrun aman assasa bunyanahu calaa shafa jurufin haarin fanhara fii jahannama"....ku dadala dhaqankina inuu waafaqo kii nabi Muxamed SCW.

Gabar yahay kudadal sida aad kukasban lahay qalbiga zawjkada mana kasban kartid qalbigisa ila inad baratid xayatu zawjiya aqriso kutubta kahadasho gurka sida fanu tacamuk bayna zawjayn iyo kitabka kale ee ah sacadatu zawjiyah iyo kitabka ah tuxfatul carus iyo kitabka afka somaliga lagu turjumay ee layirahdo raaxada guurka. waxana kusalaysan ayado iyo axadiith wali waxad ka aqrisan karta websitka google adiga oo garacayo raaxada guurka. Wax badan ayu kaa sacidaynaya.  wajazakumula hu khayran washukran w.s.c.w.w.

Umu Ayman

umuayman12@hotmail.com

 
COMMENTS ( 3 )
maxamedyare11@hotmail.com

asc walaal qoraalkaan aad meesha ku qortay alle hakaa siiyo ajarweyn waxaan nahay dad muslimiin ah wey na anfacaysaa waanadaaada

2010-06-12
shucaybmili@gmail.com

Ilma adeerayaalow Gabadhaan xogteeda isiiya, hadey Banaantahay waan guursanahayaaye

2010-01-24
mmc4000@hotmail.com

Ma\'shaa allah gabadh wanaagsan weeyaan gabadhaan, ilaahey kheyr ha siiyo, waligey ma aanan arkin gabdhaha soomalida oo u fikiro sidaan oo kale, ragana waa sidoo kale, ilaahey ha u naxariisto dhamaan soolida, iyo muslimiinta ku nool aduunkaba. laakiin waxaan doonayaa halkaan in aan ku darsdo wax yar, ninkii/naagtii doonayo in uu guursado marka koobaad ha u goorsado cabsi alle,iyo macsi ka carar, balse yaanu u guursanin, lacag iyo aduunyo darteed. aniga waxaan mudu raadinayey gabadh fikirkeeda yahay aakhiro iyo xaaraan ka carar, laakiin waan waayay, gabadha aan wada hadalnoba waxey i weydiisaa, halka aan ka shaqeeyo iyo halka aan ku noolahay. that is the big problem aan ku heliwaayey gabadh doonayey. becaue even if aan heysto aduunyo or wadan dibad aan ku noolahay,ey gabadh sidaa igu raacdo guusha aan doonayo wali magaarin, because qofkan wuxuu igu raacay aduunyo hadii ay noqoto. mahdsanidiin walaalayaal, hadii aad hadlakeyga garanweydid. inta kaa anfco ka qaado

2010-01-07
Page 1
 

Your e-mail :

Your Comment:




MOST READ
LATEST NEWS
 
 
 
Copyright © 2009 xaarxaar.com - All rights reserved contact: maamulka@xaarxaar.com