» Meeraysane Online Isha Wararka Sugan.  
 
PHOTO GALLERY TACSI
 
 
War saxaafadeed ku aadan safarka ra'iisal wasaaraha
This article has been Published at: 08-03-2010 11: 46: 38and has been viewed 69 times
Ra’isal wasaraha Xukuumadda KMG ee Soomaaliya, Mudane Dr. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa maanta ka ambabaxay dalka si uu uga qayb galo shir gaar ah oo ay wadamada xubnaha urur Goboleedka IGAD ku yeelaan doonaan magaalada Nairobi loogana hadli doonaan heshiiska loo dhan yahay ee hore u dhex maray dawladda Sudan iyo Jabhadda Sudan People Liberation Movement (SPLM).

Isagoo hoggaaminaya wafdi ka tirsan Xukuumadda KMG, Mudane Cumar Cabdirashiid wuxuu ka qayb geli doona shir gaar ah oo ay Madaxweynayaasha IGAD ku yeelan doonaan magaalada Nairobi kasoo socon doona muddo hal beri ah.

Sida la og yahay heshiiska loo dhan yahay ee dhex maray dawladda Sudan iyo Jabhadda Xoreynta Sudan ee (SPLM) waxaa bishii January 2005 lagu saxiixay magaalada Naivasha ee dalka Kenya iyadoo labada dhinc ay dhexdhexaadiyeen wadamada ku jira urur goboleedka – Intergovernmental Authrity for Drought and Development – IGAD - iyo dawlado ka mid ah deeqbixiyaasha.

Heshiiskaas oo loo yaqaan “Sudan’s Comprehensive Peace Agreeement – CPA” waxaa qodobodiisa ka mid ah in la joojiyo dhammaan dagaalada sokeeye, la dhiso maamul wanaag ekeeya dalka Sudan guud ahaan isla markaana la wadaago dakhliga ka soo xarooda saliida dalka laga soo saaro.

Urur goboleedka IGAD oo xubnihiisa ay mid yihiin wadamada Djibouti, Ethiopia, Kenya, Somalia, Sudan iyo Uganda waxaa la aasaasay 1986 iyadoo ujeedada laga leeyahay ay ahayeen arrimaha ka hortagga abaaraha iyo lama dagaanka. bartimihii sagaashameeyadii urur goboleedka wuxuu u xuub siibtay gole lagu xalliyo arrimaha nabagadgelyada, wadahadalka siyaasadda , horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga.

Abdulkadir Mohamoud Walayo
Afhayeenka Xukuumadda Kmg ee Soomaaliya

 
COMMENTS ( No Comments available )
Page
 

Your e-mail :

Your Comment:




MOST READ
LATEST NEWS
 
 
 
Copyright © 2009 xaarxaar.com - All rights reserved contact: maamulka@xaarxaar.com