» Meeraysane Online Isha Wararka Sugan.  
 
PHOTO GALLERY TACSI
 
 
Sh Shariif oo ay booqasho Rasmiya uga bilaabatay Ingiriiska.
This article has been Published at: 08-03-2010 10: 49: 47and has been viewed 61 times
Sheekh Shariif Sheekh Axmed Hogaamiyaha DKMG ayaa Maanta booqasho rasmiya oo qaadan doonto dhowr Maalmood kaga bilaabatay Dalka Ingiriiska, waxayna noqoneysaa booqashadii ugu horeysay ee uu halkaa ku tago tan iyo intii uu Madaxda u noqday Dowlada.

Sh Shariif ayaa la kulmi doono tiro kamida Mas’uuliyiinta Dowlada Ingiriiska oo ay ugu horeeyaan wasiirka Arimaha Dibada David Miliband, iyo kan Arimaha Gudaha Alan Johnson kahor inta uusan lakulmin Ra’uusul wasaaraha Ingiriiska Gordon Brown waxayna kawada xaajoon doonaan Xaaladihii ugu dambeeyey ee gaaska Africa iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen labaa dhinac Arimaha Burcad Badeeda iyo ladagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada.

Sh Shariif ayaa casuumaadan lagu soo gaarsiiyey kulankii uu kol hore la yaashay Wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Arimaha Africa Gelinz Kinnock oo uu Bishii June ee la soo dhaafay Nairobi kula kulmay.

Sh shariif ayaa dhawaan soo dhaweeyey go’aankii Ingiriisku ku mamnuucay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin wuxuuna ka codsaday inay Taageero siiyaan Dowladiisa.

XaarXaar Online

 
COMMENTS ( No Comments available )
Page
 

Your e-mail :

Your Comment:




MOST READ
LATEST NEWS
 
 
 
Copyright © 2009 xaarxaar.com - All rights reserved contact: maamulka@xaarxaar.com