» Meeraysane Online Isha Wararka Sugan.  
 
PHOTO GALLERY TACSI
 
 
Halkee Mareysaa Dacwadii Gen Maxamed Cali Samatar? (Warbixin)
This article has been Published at: 05-03-2010 01: 50: 37and has been viewed 147 times
Maxkamada sare ee dalka Mareykanka ayaa laga sugayaa inay go’aan ka gaarto in dacwad lagu soo oogi karo madaxweyne ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Gen Maxamed Cali Samatar iyo in kale kaasi oo dad Soomaali ah ku dacweeyeen in mamulkii uu ka tirsanaa ay geysteen xadgudubyo bani’aadanimada ka baxsan.

Dacwada ka dhanka ah Gen Maxamed Cali Samatar oo maalmahanba si weyn saxaafada Mareykanka u hadalheysay ayaa haatan ku dambeysa xarunta maxkamada, waxaana maxkamada sare ee Mareykanka ay sheegtay in kiiska ku saabsan in Gen Maxamed Cali Samatar la dacweyn karo iyo in kale ay soo bixi doonto xilliga xagaaga ugu dambeyn oo ku began bisha august 2010. waxaana markaasi si rasmi ah maxkamadu ugu dhawaaqi doontaa in eedeyn lagu soo oogi karo madaxweyne ku xigeenkii dowladii Maxamed Siyaad Barre Gen Samatar oo hadda ku nool dalka Mareykanka.

Dacwadan waxaa soo oogaya koox Soomaali ah kuwaasi oo degaan ahaan ka soo jeeda Somaliland, waxaana hormuud u ah nin lagu magacaabo Baashe Yuusuf oo sheeganaya in dhibaatooyin isugu jira jirdil, garaac iyo xarig mudo dheer uu kala kulmay dowladii Maxamed Siyaad Barre ee xukunka heysay mudadii u dhexeysay 1969 illaa 1990.

Illaa hadda ma jirto wax eedeyn ah oo si rasmi ah maxkamadu u seegtay in loo heysto Gen Maxamed Cali Samatar, waxaana dacwadu ku saabsan tahay bal in marka hore wado loo helo lagu soo dacweyn karo Gen Samatar taasi oo marka hore u baahan inay kala cadeso maxkamada sare ee Mareykanka oo ah meesha ay dacwadu ka dhacayso.

Marka laga tago dadka dacweynaya Gen Maxamed Cali Samatar waxaa iyana jira dad ka soo horjeeda dacwada lagu soo ooogayo Gen Samatar oo sheegaya inay jiraan saraakiil badan oo ka tirsan taliskii kacaanka kuwaasi oo ku kala nool gudaha dalka ama dibada, sidaasi darteedna ay khalad iyo eex tahay sababta Gen Samatar aliya dacwada loogu soo oogayo.

Dowladii Soomaaliya ayaa dagaal kula jirtay jabhado ay ka mid ahayd SNM oo ay lahaayeen siyaasiyiin ka soo jeeda waqooyiga dalka kuwaasi oo iyaguna ku doodayey inay dalka ka xoreynayeen maamulkii militariga, waxaana dowladu ay ku doodeysay inay ka hortegeysay kooxo hub iyo dhaqaale ka soo qaatay cadowga Soomaaliyeed ee Ethiopia.

Laakiin sharci yaqaanada ayaa ku doodaya in wax kasta ay ku xiran yihiin in marka hore go’aan cad laga helo maxkamada sare ee Mareykanka.

Qoyska Gen Samatar iyo dadka kiiskiisa difaacaya ayaa ku dadaalaya inaysan maxkamadu ogolaan in wax dacwad ah lagu soo oogi karo masuulkan hore, iyagoo taasi qiil uga dhigaya in Gen Maxamed Cali Samatar uu ahaa masuul ka tirsan dowlad Soomaaliyeed xilna ka saarnaa difaaca dalka, uuna ka hortagayey jabhado wadanka ku soo duulay kuwaasi oo ay Ethiopia soo hubeysay.

Waxaa sidoo kale dadka difaacaya Gen Samatar ay sheegayaan in sharciga Mareykanku uusan ogoleyn in la dacweeyo masuul dowladeed oo ay Mareykanku aqoonsanaayeen dowladnimadooda, haddii uu joogo dalka Mareykanka, taasi oo ah mida ugu weyn ee ciriiri gelin karta in dacwadu ay sii furnaato.

Hase ahaatee dadka dacwada wada iyo kuwa taageeraya ayaa iyaguna ku dacwoonaya inay muhim tahay in maxkamadu ay gurto dacwadeynta Gen Samatar oo ay u arkaan inuu yahay dembiile xadgudubyo ka galay dad badan oo Soomaaliyeed, maadaama uu ahaa madaxweyne ku xigeen ahaana qofka labaad ee ugu sareeyey dalka, isla markaana aanu hadda nooleyn Gen Maxamed Siyaad Barre oo ahaa madaxweynihii xukunka hayey.

Waxay dadkaasi dacwada soo oogaya ay sidoo kale ku doodayaan in Gen Samatar oo sidoo kale hayey xilka wasiirkii gaashaandhiga Soomaaliya uu ahaa ninkii amray weerarkii lagu qaaday magaalada Hargeysa oo ay jabhada SNM ka dagaalamayeysay sanadihii 1980-meeyadii. Gen Samatar wuxuu sidoo kale madax ka ahaa xabsiyada ciidanka ee gaarka ah kuwaasi oo lagu xiri jiray dadkii mucaaradka ku ahaa dowladii Maxamed Siyaad Barre.

Haddii maxkamada sare ee Mareykanku igolaato in dacwad lagu soo oogo Gen Maxamed Cali Samatar waxay ugu yaraan keeni kartaa in Gen Samatar lagu oogo intii ugu badneyd ee xadgudubyadii ay gashay dowladii militariga taasi oo ah mid isaga ka dhigeysa dhibane. Waxay sidoo kale go’aanka maxkamadu saacidi doonaa in haddii ay jiraan saraakiil kale oo ka tirsanaa dowadii militariga oo ku nool Mareykanka iyaguna la soo dacweeyo.

Fiiro Gaar ah:  In Gen Samatar uu yahay dembiile iyo in kale waa mid ah muran ka taagan yahay, maadaama sharci ahaan aan taasi si cad loo go’aaminin.

 
COMMENTS ( 1 )
daryeel90@hotmail.com

Jaale Sareeye gaas mohamed cali samatar haduu danbiile dagaal yahay somali oo dhan ayaa wada dambiilayaal ah .dhanka kale mareykanku hadey danbi ku soo oogaan Generalka oo ay ka tahay cidii xaquuqda bini adamka wax u dhinta ayaan maxkamad saareynaa marka 1aad waa inay madaxda yahuuda maxkamad la soo taagaa .then warlords ka somalida intaas marka la helo ayaa aamini karnaa maxkamada aduunka mise tan america .waa mahadsan tihiin Generalkana waa wadani xalaala .waana garab taaganahy .

2010-03-05
Page 1
 

Your e-mail :

Your Comment:




MOST READ
LATEST NEWS
 
 
 
Copyright © 2009 xaarxaar.com - All rights reserved contact: maamulka@xaarxaar.com