» Meeraysane Online Isha Wararka Sugan.  
 
PHOTO GALLERY TACSI
 
 
Goormaan Gaaraynaa, Maxasnse Rabnaa Inaan Gaarno?
This article has been Published at: 03-02-2010 00: 48: 03and has been viewed 1100 times
In muda ah waxaa dad farbadan oo wax garad ah ay bogan isku dhaafsanayeen oraaho iyo fikrado dhamaan ka tarjumaya baahida iyo xaalada aan ku suganahay. Alle SW ajar haka siiyee dhamaan talooyin wanaagsan ayey soo eediyeen Suaashu waxay taxay goorma lagaari side loogi karaa iyo waliba maxaan rabnaa inaan gaarno.

 

In muda ah waxaa dad farbadan oo wax garad ah ay bogan isku dhaafsanayeen oraaho iyo fikrado dhamaan ka tarjumaya baahida iyo xaalada aan ku suganahay. Alle SW ajar haka siiyee dhamaan talooyin wanaagsan ayey soo jeediyeen Suaashu waxay taxay goorma lagaari side loogi karaa  iyo waliba maxaan rabnaa inaan gaarno.

 

Hadal badan haan ma buuxsho meel waxqabad ubaahan hadal wax kama taro. Waa inaanu horta marka koowaad islagaranaa sida lagu jiro mawanaagsan tahay hadii jawaabtu tahay maya, tanlabaad go’aan inaan ka baxno ah maka gaari karnaa, jawaabtu mahaa baa mise waa maya, sadex meesha loo socdo ma inooga rayn doontaa waxa hada aanu ku jirno hadii jawaabtu tahay haa ficil baa loo baahan yahay markaas.

 

Madaama aanu umad muslima nahay waxa ay diinta ina faraysaa inaanu arimaha muslimiinta ka shaqayno oo aanu ku hamino wanaageeda. Sidaa waxay ku cadahay xadiiskii Rasuulka CSW ee ahaa qofkaan arimaha muslimiinta ku hamiyin inuusan ka mid aheyn iyaga.

 

Marka had iyo jeer hadii ay talaooyin farabadan inoo soo jeediyeen waxgarad farbadan oo inaga mida soo ma haboona in ay miro dhasho oo ay ina anfacdo oo aanu ka faaiidaysano waxqabadna dhab ahna la imaano mise dadkayaga qurba joogta ubadan oo ay fariimaha intooda badani ay ku socdaan ma aysan fahmin wax ay ka hadlayaan fariimaha mise entertainment miyaan ka dhiganay iyo socialization inaan u isticmaalno bogan lagu daabaco fariimaha qaaska ee inaga inagu socda.

 

Hadaba waxaan oran lahaa qofowna hadhowrin mowjad weyn oo isbadal ah aad raacdo aadna dhexda ka gasho waayo iman mayso hadii aadan adiga bilaabin oo intay doontaba hala ekaatee aadan wax qabad la iman. Waxaan ku jirnaa runtii oo aanu taaganahay meel wada ah oo waliba kala beyr ah oo aanu laba dhinac midkood u qaadan karno. Dhinac waa inaan ku jirno xaalada aan ku suganahay oo usii beyrno ama uleexano wadada dhanka xun ama inaanu dhank wanaagsan marno, oo jiritaanyaga manta magac baa kaharay aanu isdaba qabano soomaali oo idil qaas ahaan inaga.

 

Ogowna  hormarwalba  caqabad baa hortaagan hadii aadan wax ka wadin hormarkaa iyo wanaaga in lagaaro waad hortaagan tahay waayo qofna ma qaban karo qeybtaada adigay qaas kuu tahay. Soomaalidu waxay tiraahdaa ooraah ah sac ay afar nin dhulka ka kicin wayday ninbaa maqaarkiisa raba inuu iibsado oo sacaa uu baqtiyo.

 

Sayid Maxamed Cabdule Xasan ayaa yiri:

"Nin ladagay haduu sidii doqon dacayda laadlaadsho.

                      Mar uunbuu dareemaa inaan darajo loo heyn.

                                                      Baldayo markuu dido inuu deyrka jabin".

 

Waxaan hubaa inaan kartideeda, dadnimadeeda iyo awoodeedaba aanu leenahay si aanu maanta ugaarno waxa aanu hiigsanayno hadii aanu isu kaashano hormarinta danaheena oo anuna Alle SW talasaarano. Waxaanu joognaa dalal iyo magaalooyin kala fog intabadana lama midayn karo waxqabadka ama dadaalka waayo xilaga aad hurudo kuwaa soo jeeda xilaga aad soo jeedidna waa hurdaan oo isku dal iyo deegaan lama joogo, laakiin intii meel wada joogta waa inay iskaashadaan oo ay horay u socdaan kadibna aanu isaga dayano wanaaga oo waliba aanu ku tartanno wax qabadka iyo wanaaga qeyriga side alle SW inoogu sheegay ee ahaa utartama wanaaga iyo qeyrka.          

 

 

Waxaan ku soo gaba gabeen aaayadahan quraanka ah. Suratul Alla Cimran.

 


Abdulkarim H Warsame~Minneapolis, Minesota~USA

 
COMMENTS ( 14 )
Gooni Daaq

Hadal Haan ma buuxsho. Wax qabad ayaa loo bahan yahay, midnimo ayaa loo bahan yahay, Awrtable 3000 qurbo joog ah min 20 dollar waa 60.000 dollar bishii toban(10) waa 600.000 dollar waa sahal oo wey joogaan, laakiin waxay ka jecel yihiin, Qaxwo,Qaad, Sigaar, Shaah, iwm. Nin boqol(100) Halaad leh oo raba Geela in loo waraabiyo Awrtable ayaa lagu arkay !!! Ugaaska iyo Suldaanka ma loo xoolo gooyey ? Maxay talo keenaan naftooda ayey u yaaban yihiin !!!

2010-06-29
Awoowe to foodhoray

waa cismaan yusuf xarare not cisman carare. waana siyaasi sidaad sheegatay.

2010-02-17
food_horay@yahoo.com

ok osman haraare walaal waa runtaa waxaad sheegtay oo ah mahad celinta wayna mudan yihiin dhalinta loo mahad celinayo waxay noo soo gudbiyeen figrid wanaagsan.lakain waxaan ku waydiina adi siyaasi uu dhalay siyaasi YD AH ahayde kumee . soo ma mudnid inaad aamusto ama magaca aad huwan tahay iyo booska aad joogto wax dadka useegto bilowdana wax qabadka af iyo adinba ma inaad dhalinta kamidtahaad is mooday loooolz

2010-02-15
ali.jira@yahoo.com

swc osman ilaa iyo sanad ku dhawaad baa hadba qof soo qoraayey figrado iyo talooyin ilaa hada wax ka soo baxay uma jeedo,waana runtaa isu mahad celin,waxba ma sameyneyso,ee waxaa loo baahanyahay wax qabad,dhibaatada naheysatana ma,ahan gudaha dalka waa dadka ku dhqan dibada oo aan laheyn xiriir toos ah oo ku saleysan midnimada tolka,waxayna mar waliba ka fakiraan dantooda gaarka ah,iyagoo waqti siineyn arimaha tolkooda taasna waa mid caado u ah awrtoble,mida kale isfahmid la,aanta waxaa keenaya hadaan nahay dhalinyarada tolka,iyadoo loo arkeyn hadalkeyga wax xumaan ah dhalinyarada mudug iyo dhalinyarada konfureed oo aan lahayn figrad isku mid ah iyo qaabka ay u wada shaqeynayaan,waayo iyagoo kala wata labo dhaqan iyo mid deegaaneed,marka waa in marka hore la sameeyo sidii figradahooda loo mideyn lahaa ,figradaas waa mid meesha ku jirta waana mid loo baahan yahay in wax laga qabto, kadib waxaan aaminsanahay in dhalinyarada kalsoonidooda iyo wada shaqeyntooda ay sii xoogeysandoonto.sayid ali jamac jirac

2010-02-14
oharaare@hotmail.com

dhamaan waad salaamantihiin dhalinyarada beesha marka labaad waxaan idin waydiinayaa su\'aasha ah ma waxaan waqtigeena ku dhamaysanaa in aan isu mahadcelino kaliya? jawaabtu waa maya waa in aan ku dhaqaaqnaa wax un talaabo ah xataa hadii ay khaldanto laga hadlaa sidii loo sixi lahaa hadii aysan dhici karin waxaa ceeb nagu ah inaan odayaasha dhaqanka oo iyagoo sabool ah dadkoodii aqoonta lahaana aan wax talo iyo tusaale ka helin taladooda ku soo gudbay dhibaatadii 20 jirsatay ee soomaliya ka dhacday waxaan filayaa waxaa nalaka doonayaa inaan dhaqaaqnoo aan wax qabad u dhaqaaqno dadka shaqo iyo aqoonba u abuurno hadii kale aan isu dayno odayaasha iyo dadka ay la dagan yihiin sida ay ula macaamilaan. mahadsanidiin osman yusuf harare

2010-02-13
ali.jira@yahoo.com

marka hore dhamaan beesha awrtable rag iyo dumar waad salaamantihiin,marka xigta cabdikarim xirsi carab waxaan kuu soo jeedinayaa hambalyo sida hagarla,aanta leh aad noo tusaaleysey inaan ka fakiro danteena iyo isku duubnideena,mida xigta waa in ladhageysto dhalinyarada ilaahay siiyey maskaxda wanaagsan eeawrtable ka soo dhexbaxay,waana in layska iloobaa waxa ah in taladeena iyo wada tashigeena ay hormuud u noqdaan dadka aan deegaanka wada degno,waayo waxaas caadada noonoqotay waxaa bedelikara waa dhalintaa maskaxdooda nadiifka tahay waana in iyaga taladooda iyo baraarujintooda qiirada ku dhisan la dhageysto laguna dhaqmo. ali jamac jirac

2010-02-06
AWRKA-MPLS

thanks xirsi carab ishaad ka tuurtay waana hubaal in meesha in laga kaco loo baahan yahay aanu isdaba qabano inta dabada naloo qaban. oo aan daaqada la inaka tuurin

2010-02-06
xiiryar@hotmail.com

walaalayaal waad mahadsanatihiin dhamaantiin war iyo dhamaantii qof walba oo ummadaas kamid ah waxaa laga rabaa marka hore inuu sameeyo hormar nafsi ah oo uu kasoo bilaabo shaqsiyadiisa markaas ayaad usoo gudbi kartaa tan guud oo somalidu waxay ku maahmaahddaa tiisa daryeela ayaa tu kale ku dara marka wax baro dhaqaale samee taran ku dadaal markaas kadib ayaa wax la,isku darsan karaa taas macnaheedu waxa weeye tolku mar kasta makala maarmo lakiin hadad is leedahay ugaaska iyo suldaankaa wax idin hormarinaya maahan saas shaqadiisunaa maaahan taas ee wuxuu go,aamiyaa wixii beeshu isku raacdo taasi waa taas marka tolku wax qabad hawada muujiyo oo qof walbaa hakabilaabo tiisa midda aanu iska dayno eedaynta isimada iyo dadka madaxda inoo ah sababtoo ah laftoodu waa dhibanyihiin oo dadkaas dhumay ayay madax unoqdeene wabillahi towfiiq iga raali noqda sxbbayaal mahadsanidiin BY:m,ed a/xiir

2010-02-06
caraafe12@hotmail.com

waa mahad sanyahay walaalken waxaan filin in ay garowsadeen qurba joogtu uu kamid yahay sxbken kaalin toodii ay gabeen waxaan se u baahanahay isbadal dhab ah inaad la ti maadaan waad mahad san tihiin

2010-02-04
food_horay@yahoo.com

walaalken waa mahad sanyahay fikirka quruxda badan ee uu noo soo gud biyey anagana alle hanaga yeelo SW kuwa qaata intaa kadib waxaan filayaa ama dareemayaa in aan wada fahan sanahay xagee sartu ka quruntay waxaan oranlahaaa waa hogaanka sare ee beesha oo wax fikir ah aan lagahayn iyo hormar toona sida OGAASKA IYO SULDAANKA wali mahayo fikir laga soo tabiyey ama ay jeedinayaan dadka ay matalaan iyo qurba joogta oo gabay kaalintoodii dhankasta ha ahaatee mesha asaagood ay hormuud kayihiin is badalka somali ka socda dhan kastaba oo wali aan xataa sada qada labakhayla mana ahaan in ka dhigano intertaiment waxaan sheegayno laakin waxay u baahan tahay ficil iyo islku xirnaan hadaa nahay dhalinta wax kasta ayaa naga go an ooon ku gaari karno waxay gabeen kuwii naga horeeyey waana gaaraynaa . laakin waxaan taarikhdu xusi doontaa odayaasha iyo hogaanka sare ee beesha oo lumiyey isku xirnaantii iyo wax qabadkiiba. waad mahad santihiin walaal iga raali noqda tahaan u cadii fadooday wax qabad lanaantii idina canaantay.

2010-02-04
Page 1 2   Next »
 

Your e-mail :

Your Comment:




MOST READ
LATEST NEWS
 
 
 
Copyright © 2009 xaarxaar.com - All rights reserved contact: maamulka@xaarxaar.com