» Meeraysane Online Isha Wararka Sugan.  
 
PHOTO GALLERY TACSI
 
 
Waa su'aale waxaan rabaa inaan idin waydiiyo arimahan soo socda.
This article has been Published at: 30-01-2010 19: 02: 03and has been viewed 776 times
1-Awrtable ma yeelan karaa musharax matala beesha YD, oo nooga qayb kala shirarka soo socda oo soomaaliya wax ku qaybsan doonto sh shariif ka bacdi.

2-Musharaxaas u dhashay beesha YD oo tolkii hiil iyo hooba daba taagan yihiin kaasoo noqonaya mid matala beesha YD una qalma jagada loo doortay.

3-Dadka aduunka wuxuu ku shaqeeyaa wax la yiraahdo vision, ha ahaado mid dhaw ama mid fogba ee ma yeelan karnaa.

4-Marka anaga aragtideenu ma noqon kartaa reer ay ka go'an tahay in somalia hogaankeeda qabsadaan maadaama aad moodid dadka inaan ka daacadsanahay marka loo eego raadinta midnimada soomaaliyeed.

5-Waxaana taa markhaati ka ah wasiir maxamed cabdi yuusuf, iyo yuusuf xaraare iyo cabdirahmaan sh nuur, waxay ahaayeen rag matali jiray beesha YD oo sumcad wanaagsan u soo hoyiyey beesha YD.

arimaha aan ka hadlo had iyo jeer waxaa igu kalifay sheekadaan aan soo wado ee saa ula socda.

magaalada aan ku noolahay waxaa jira nin ugaas u ah beesha cawlyahan ee ogaadeen oo aan sheekaysanay maalin, wuxuu igu yiri dawladii cabdulaahi yuusuf laba nin baa na kala hogaaminayey hadaa nahay daarood, meeli waa mucaardka ayay ahaayeen waxaa waday maxamed cabdi yuusuf, meesha kalana waxaa hogaa miya ka ahaa yuusuf xaraare allaha u naxariistee, markaasaa nin habargidir ah ii yimid oo igu yiri barre ugaasoo inaad jabteen waxaa lagu garanayaa awrtable idin hogaaminaya.

wuxuu igu yiri waan u jawaabey waxaana ku iri hadaad aragto awrtable na hogaaminaya anga daarood ma jabno waa hadaad taqaano taariikhda daaroodka markaasaan oga sheekeeyey buu yiri ilaa reerku markuu shanta iyo odaga ahaa.

wuuna i rumaystay buu yiri waa sida hadalka uu yiriye. wuxuu kaloo iigu daray hogaamiyayaasha beesha YD meeya waana waqtigii ay nawadi lahaayeen waa la joogaa.

aad bay ii farxad galisay arintaas taasoo igu kaliftay inaan shaqo idinka dhigto har iyo habeen inaan idin baraarujiyo, soomaali iyo daaroodka gudihiisana sumcad baan noo taal ee ogaada awrtabloo.

waxaa kaloo igu maqaala in cad aan no qalmin ka helanay puntland o aad dad badan oo reerka ka caraysiisay.

waxayna u caroonin baa idiin sheegayaa, maxaa kalifay arintaan? jawaab waa muwaafaqo daro dhexdeena ah baa kaliftay ee saa ula socda walaalayaal.

hada iyo dan waa inaan isku dayno xal uraadinta wadanka iyo tan reerkaba wanaagana waa inuu anaga naga yimaadaa si aan tusaale ugu noqono umada soomaaliyeed oo ay noog daydaan.

raali ka ahaada haday idin dhibto guubaabadayda wanaag unbaa reerka la jeclahay saa idinkuba u jeceshihiin.


qore: maxamed daahir sh nuur
odokore@yahoo.com

 
COMMENTS ( 9 )
qaran raadshe

MARKA HORE IGA HANTA SLAAN KAL IYO LAAP AH WALALAYAAL MAADAAMA AAN FILAYO IN AAD BEESHA OWRTABLE TIHIIN FADLAN WAXAD KUSOO BIIRTAAN URUR DHAWAAN LOO FURAY CIDDA WAANA BAR KAMID AH FACEBOOGA WAXAANA LADHAHAA dhalinyarada yd

2010-07-01
nazri008@hotmail.com

marka hore waan kusalaamay salaanta ugu wanaagsan wax la isku salaamo asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabara kaatuhu salaam kadin walaal arain taad soo jeedisay aad ayaan oola dhacay waana fikir saliim ah mana is dhahayn fikirkaa waa lagu qabaa lakiin hada waxaa iicadaatay in dad badani ila qabaa waxaana kudarsanayaa in wadankasta iyo dadkastaba ay tahay waxa hogaamiya ama wax uqabta ama dhibaato ukeena waa dhalin yarada kkk marka anagu xumaato uma baahnin haday wax tarayso 20years ayaan soo dhex mushaaxaynay marka waxaan idinku boorin lahaa in aan fadhiga ka kacno oo wadanka iyo tolkaba wax uqabanaa

2010-04-07
wiilo567@hoymail.com

mashaa-Allah,waa fiican tahay inan wali leenahay dhalinyaro sidaa u fakara mahadsanid Moxamed sida wanagsan ee aad noo guubaabisay waxana rajeynayaa inay jiraan dhalin kula fikir ah.mr

2010-03-22
waxayilatahay@yahoo.com

Walaalayaal:Dhamaantiin waan idin wada salaamay, waxaan doonayaa inaan idiin sheego waxaan \"Capitol Hill Washington DC\" kula kulmay nin Professor ah oo la yiraahdo Farax Dahir Shiikh nuur oo wuxuu meeshaas kulan kula lahaa dowladda siiba \"congressman Mr. Donald Payne\", sida aan filayo wuxuu la dhashay wiilka maqaalkan soo qoray.

2010-02-06
Saabir

Salaan kabacdi waxaan jeclaan lahaa in Aan ka hadlo 2 arimood haduu ala idmo 1 waamida magaca (HALAC oo lagu aflagaadeyay ina daahir sh nuur Ad baana uga xumahay anigoo ah ina c/halac waxaasoo kalana waa dulinimo maxaa yeelay meesha diin iyo caqiido loogama hadlayn 2 Aad baan ugu mahad celinayaa ilmo adeertay dhamaantood saasna kuwada wanaaga iyo dhiira galinta ilaahey kheyr hakumideeyo quluubta reer tolkey

2010-02-04
mshakur@yahoo.com

tol duloobay oday la\'aan baa loogu dow galay awrtable wuxuu lahaa rag halyeeyo ah oo ay ka mid ahaayeen haji diiriye xirsi, hadaad taariikhda dib u raacdo wuxuuu ahaa oday soomaaliyeed oodhib badanu maray horumarinta beeshuu ka dhashay taasoo oo aan wada ognahay. wuxuu kaloo xaajigu ahaa nin cajiib ah oo hogaanka beesha uu ka dhashay ee daarood gacan bir ah ku hayey, hadaladii lagu yirina waxaa ka mid ahaa haji diiriyow dardaaran daarta anaa iska leh duushayaa dabaalataa daarood dalakayga ii guur. awrtable wuxuu isku riixriixo uma jeedo waa oday biyihiis yuusuf baa wada dhalay waa haday ka go\'an tahay isku duubni yuusuf daarood waa muuqdaa waa iga su\'aale yaa hogaan noo ah? 150kii sanno oo noo soo dhaafay reerku waa muuqday jiilkeenaan dhibaatada na haysata waxay tahay isku duubni la\'aan iyo kala danbayn la\'aan hadaysan jirin tol ma jiro. waa salaaman tihiin dhamaan beesha yuusuf daarood. by maxamed cabdi shakuur sh nuur

2010-01-31
caraafe12@hotmail.com

YES WE CAN dadkasta oo dunidaan ku nool waxay leeyihiin hadaf ay higsanayaa mid dhow iyo mid dheerba inay gaaran waxaan qabaa ani inaan samayn karno waxkasta oo aan dacad unahay inaan garno cidna nagama hor istagi karto wa hadaan rabno inaan gaarno walaal waxa uka hadlay si sahal ah ayaan ku gaari karnaa bulshadana dhex deeda sumucad ayaan ku leenahay marka war carabtu waxay ku maah maah daa (shin birku baalihiisa ayuu ku dulaa dadkuna himad doona) wax kasta waa niyada iyo ficil wada socda bulsha kastana halkaas ayey ka dhuntaa ama ka dhaqan tahay waxaan usoo jeedinayaa QURBA JOOGTA BEESHA YD waxaad gabteen kaalintiinii ee diyaar ma utihiin inaad dib u buxisaan? tankale dhaqalaha somaliya maantay ku nooshahay dalka diba diisa ayaa laga keenay waxaana keenay dhalintii dalka ka barakacday oo si abaabulan iskugu xiran beel beel iyo group group ah wali mahayno laba nin oo cidaa oo dhaqaalo gashaday africa iyo somali toona ama wada furtay shirkad sida xawaalada iyo shaikadaha kale ee gaarka loo leeyahayba waxaan ognahay niman daban oo cidaa oo dhaqaalahoodu dalka ka shaqeeyo oo dadkale wakilo kayihiin dad kooo dii oo jooga kuna faanaan anagaale away kaalintii qurba joogtu tusaale ahaan 10 oo ku share ta ($20000) oo wax ku bilowdaa imisa ayey noqanaysaa laba sano kadib imisa sumucad ayaan ka helayna aanagu imisa se dhalin cidaa oo shaxaad ku nool ayaa shaqo kahelaysa. mar labaad waxaan sigaara ugu mahad celinayaa mr sh nuur alle haku xafido walaal ayaan ku leeyahay iyo shaqaalaha netkaba sida ficilku ku dhehan yahay oo aad wax noogu sheegto anagan kuwii qaata ala hanaga dhigo oo ku camal fala. waxan way dinaya aakhyaarta odayaashu away door koodii meshaan maxay dhalinta ugala hadli laa yihiin away oday nimadoo iyo kaalintoodii dhalinta ayaa intaa wax sheegaysee iga raali noqda hadaan mel idin kaga dhacay walaal waxaan jec lahay mid nimada iyo wax qabadka muuqdee waadna mahad santihiin mr awsaid

2010-01-31
food_horay@yahoo.com

a/s/c ani fikirkayga waan yeelankarnaa musharax iyo kabadanba maxaa yeelay waxaanahay dad nadiif ka ah xaaraan iyo qabyaalad ahna wadaniyiin marka laga hadlayo somali dhexdeeda taas waa tan somaliyeed tan kale ani burhaan ahaan waxaan qabaa somali ilaa qoys ilaa qaran bay bur burtee war marka hore anagu aan ka qabiila haan macne somali dhexdeeda aan samaysato iyo talo muwaafaqo iyo isku xir taas ayaa lagu gaarayaa haykalka somaliyeed iyo mid gobolba marka hore aan caruurteena qaraan lacag aruurin waxbarasho usamayno dal iyo dibadba waxna barno meel somali dhexdeedana aan ka muuqano oo degaan ah waayo ciddu waa beel balaaran waxay ku nooshay puntland jubbo land somali kenya iyo ethiopia marka war aqoon maal iyo maskax aan midayno shirar badana oo loo dhan yahana aan qabaysano waa noo sahal wax kasta oon tabayno inaan gaarno oo an nahogaamiyaan casrigaan cusub aqoon yahanadeena tirada badan ee kadhashay beesha YD waxaan siwanaagsan ugu mahad celinayaa xaarxaar online iyo ina aderkay maxamed daahir sheek nuur waxaana leeyahay noqda kuwii nabadala isbadal waan u baahanee dr sh nuur waa inay ku daydan dhalinta kale ee cidda sida caafimad qabkaa ee uu wax noogu soo gud biyo ficilku ke dheehan yahay noqo ayaan ku leeyahay aduun iyo akhiraba mid waara oo wacan . waxaan nka cudu daaranayaa dhalinta soo gud binayaa afkaartoo inaysan cidna wax ka sheegin ilaa liyaan akhlaaqda net wabilaahi tow fii iga raali noqda hadaad idhib sataan wanaag ayaan idin la jeclahee

2010-01-31
daryeel90@hotmail.com

alaah macaaaak yaa mohamed daahir sh.nuur .alla fiicnaan lahaydaa inaad mar hore guubaabadaan nagu bilowdo .waayo time ayey qaadanaysaa inaan ficilkii la nimaano ..meesha dhibta ka jirto waa diaspora ha cidda iyaga ayaa seexday oo booskooda buuxun waayey ... marka wax qabadkii jaaliyadda dibada ayaa maqan ee hala arko waxqabadkiina ..waaa mahadsan tihiin ... mar labaad waan kuu mahad celinayaa mohamed daahir haka daalin guubaabada in dhoweydba maanan arag wax sidaan inoo guubaabiya odayaashii hore oo nadiifka ahaa ayaa ugu danbeeyey ..hadda kuwo iyaga is wada haysta oo midba midka kale ha didaayo ayaa jooga ... marka dhalinyaro sidaa oo kale waa loo baahan yahay oo ka qeyb qaata horumarka cidda ..... waa salaaman tihiin ..

2010-01-31
Page 1
 

Your e-mail :

Your Comment:




MOST READ
LATEST NEWS
 
 
 
Copyright © 2009 xaarxaar.com - All rights reserved contact: maamulka@xaarxaar.com