» Meeraysane Online Isha Wararka Sugan.  
 
PHOTO GALLERY TACSI
 
 
Maku dayan karnaa nabad doon Yusuf Dhuux?
This article has been Published at: 24-01-2010 12: 28: 27and has been viewed 590 times
Nabadoon Yuusuf Dhuux wuxuu ahaa nin qaali ah soo maray beesha YD, wuxuuna caan ku ahaa nabad raadinta beesha iyo xal u ehelideeda marka loo baahan yahay.

Wuxuu kaloo caan ku ahaa xilkasnimo iyo ra'yi wanaagsan iyo hadalkoo oo uu ku deeqsiiyo. Marka intaa kadib waxaan xasuustaa intuuna marxuumka tiisa imaanin, wuxuu had jeer ku mashquulsanaan jiray horumarinta beesha uu ka dhashay oo ah YD.
 
Waxaana kaloo lagu yiqiin aftahanimo iyo karaama burji leh oo aan gabasho lahayn iyo helitaanka hadalka oo uu u fududaa iyo maskax miisaaman iyo garasho fog gogasha uu fadhiyana ka muuqda.
 
Nabadoon Yuusuf Dhuux Allaha ha u naxariistee janadii fardawsa haka waraabiyo ehelkii iyo qaraabadii uu ka tegayna waxaan u rajaynayaa isagii oo kale oo aan cad iska rogin inuu beesha ilaahay uga soo saaro.
 
 Marka waa su'aale awrtabloo diyaar ma u tihiin inaan ku dayano wadadii wanaagsanayd ee aan aabayaasheen iyo awoowayaasheen ka dhaxalnay oo ah dad is jecel oo is xurmeeya kala danbeeyana inaan noqono, mise waxaa idiin cad in awrtable kala qaaraan noqdo oo uu kala tago. Midinimo ayaa horumar leh taas oo aan ku arki jirnay beesha YD.
 
Dardaaran
: Odayo dhaqameedyada beesha iyo nabada doonada iyo isimada iyo waxgaradka reerka, ha noqdaan aqoon yahano iyo ganacsataba inaan xurmayno bay igula muuqataa kana faaiidaysano arimaha wax ku oolka ah ay beesha u hayaan.
 
Taasoo noo suura galin karta horumarkeena iyo horusocodkeenaba mustaqbal. qof walboo oo rag iyo dumarba leh waxaan ka codsanayaa inay xooga saaraan horumarinta beeshooda una soo jeesataan.
 
Raali ka ahaada mar kale hadalkayga waxay iga tahay baraarujin khaasatan odayaasha ku socota.
 


Qore: Maxamed Daahir Sh Nuur
odokore@yahoo.com
 
COMMENTS ( 9 )
khalifhassan114@gmail.com

Waa ku mahadsantahay M. Dahir sh. Nur sida kooban oo aad uga hadashey Y. Hassan M. Indh-Guran, wuxuu ahaa nin qaali ah oo aad ugu naxariista dadka nabadoon karti leh oo cibaado badan. Waxaa kaloo xusid mudan afadiisa M. Aden Dhere

2010-08-22
khalifhassan114@gmail.com

Wuxuu ahaa nin qaali ah oo meel weyn uga yaala dad badan, waana ku mahadsantahay sida aad uga warantay.

2010-08-22
FYI to waqooyi

xaaji diiriye shilaabo maxaa ugalay reer mudug buu ahaa markii danbane shabeelaha JOwhar iyo xamar. marumbaa gumaystihii umasaafuriyey galgaduud waguu halganka ku jiray.

2010-02-11
kalakaan

yussuf xassan dhuux(indhaguran waa isla asaga)07/18/1989.alaha kawaraabsho janadii fardowsa Amiin Amiin

2010-02-06
ilkadhagax@hotmail.com

A/c dhamantiin waa mahadsan tihiin gaar ahaan Mohamed dahir sh nur sida hufan hagar la aanta ah kuna dheehan tahay baraarujinta tolka iyo wax garadka intaba waxaan lee yahay aniga o ku hadlaya magaca qurab joogta reer holland waa mahadsan tahay walaal ilahayna hana wa fa jiyo taqfiiqda waxan kalo la dar daarmayaa dhalinta qoraalka soo qoraysa in ay ka taxa daraan wax kasta oo ah attack personal ah ama kaftan ah waxaan idinka codsanayaa oo kale qofka ciduu raba ama dariiiqaduu rabo haa tirsanaado midnimada tolku waa muqadis waxaan isugu imanaynaa waa hormarinta tolka iyo magaca beesha oo aan dhulka ka qaadno walal yaal iga raali la ahada hadan idin ku kafay ama cid gaar ah aan ku khaldamay waxan ka hadalayaa fakar kayga

2010-01-27
Halac19@hotmail.ccom

Aad baad umahad santahay ina shiikh nuur horta anigu dhuux ma aqaan laakiin haduu ninfiican wuu mudan yahay in lagu daydo waana kufaraxsanahay mr shiikh nuur in aad qabuuraha kaleexatid una leexatid arimaha dhiira galinta tolka

2010-01-27
waqoyi@yahoo.com

Kalakaan Nabadoon Yuusuf Hassan Musse (Dhuux Indhoguran) ALAAH ha u naxariisto adeerkey, nasiib wanaag aniga oo yar ayaan arkay. waa Nabadoonkii-Yusuf-Darood, waana nin reer Shiilaabo ah... Kalakaan, hade Dhuux-Indhoguran in aad takhaano ama aad jeceshahay shaki kuma jiro. Nabadoonkii Yusuf-Darood hade murankii kugu jiray 16-Sano, caawa halkaas ayuu ku cad yahay... Waa nin reer Shiilaabo ah, Yusuf-Darood ama Soomaali intii ugu sharafta, xushmad, karaamo iyo karti badneyd waa wada reer Shiilaabo. Haagi-Diiriye, Dhuux-Indhoguran iyo Jeneraal Xiirane intaas rag ah waa qeyb tayadii... Soomaalina hade Siyaad Barre, Shiilaabo la\'aan Soomaali la\'aan! Abdulaziz Mohamed El-Waqoyi

2010-01-26
food_horay@yahoo.com

walaal ina daahir sheekh nuur alle haku xafido ayaan ku leenahay dhamaan dhalinta cidda sida cadaalad iyo ficilku ku dhisan yahay oo ad noo baraaru jidsid anagana iyo dhamaan TOLKANA inay ku daydaan kuna dhaqmaan waxa naloo sheegayo har iyo habeen alle hana dhigo asagaa quluubaha is waafajin karee dhamaantena waa wax nawada quseeyee aan ky dayano awowgeen runtii ani ma aqaan mana maqlin ninkaas laakin waxkasta oo wanaagsan cuqaasha waa looga daydaa hadanan maanta odayaashu saas haku daydeen

2010-01-26
Kalakaan

Ina daahir sheekh nuur waan uga mahadnaqayaa markasta waxbuu dhiirageliyaa awrtablaha siday wax uqabsanlahaayeen waa dhaqan cusub oo ay layimaadeen reer sheekh nuur siyaaro iyo uducaynta dadka kale ayaa lagu yaqaanay Thanks for your changing mr shekh nur . Suaal nabadoon yuusuf dhuux deegaakee ayuu ahaa ma awrtablaha puntlandbaa makuwa waama makuwa xaradheere iyo xamar iyo balawyna makuwa eithiopia anigu garanmaayo waxaan garanayaa ninlaoran jiray dhuux indhaguran hada aanan aqoon inuu dhintay iyo inkale

2010-01-25
Page 1
 

Your e-mail :

Your Comment:




MOST READ
LATEST NEWS
 
 
 
Copyright © 2009 xaarxaar.com - All rights reserved contact: maamulka@xaarxaar.com