Safar aan dhawaan ku kusoo maray qaybo kamid ah Yurub gaar ahaan Finland Magaalo madaxdiisa Helsinki ayaan waxaa jeclaystay in aan lawadaago akhristayaasha XaarXaar Onlline qormo aan uga hadlayo waxyaabihii aan llasoo kulmay mudadaas aan musaafirka ahaa
Markaan ku hormaro dhinaca Soomalida iyo isku xiraanshaheeda, xaqiiqdii waxaan dhihi karaa waa soomaali fayaw kana badbaaday dhibta qurbaha. Waxyaabihi iga yaabiyay waxaa ka mid ahaa mar aan soo galay maqaaxi shaaha laga cabo, waxaa loo fadhiyaa sidii goobaha shaaha laga cabo ee Somalia, Fadhi ku dirirkii iyo kaftankii Somalia looga soo tagay ayaa laga her galiyey sidii soomaaliya ayaga oo jooga waan shakiyey ma soomaliya baajoogtaa ban is iri.
Somlaida Kunool wadan kaas gaar ahaan Casumadda Helsinki waa Umad isku xiran oo isjecel run ahaantiina wada wadaaga dhibkasta oo markaas lasoo darso. Waxaan la yabay oo kale waxay dageen hal meel ooo ay ku haystaan Masaajidii, Goobihii ganacsiga iyo meelihii adeegyada bulshada laga hir galiyo sida goobaha u dhaq dhaqaada arimaha Somalida, Waxaa itaas dheer waxay si wada jir u ilaaliyaan Danahooda gaarka ah sida Diintooda iyo Dhaqankooda iwm
Mudadii aan joogay Helsinki, waxaa ka dhacey shirar ay qaban qaabiyeen jaliyada somalida Magaaladaas oo ay kaga wada hadlayeen sida ugu fudud oo wadankeena Hooyo loogu soo dabaali karo NABAD waarta kadib loogu noqon karo. Xaqiiqatan Kulankaas waxaa uu igu noqday la yaab maadaama ummadii halkaan iskugu timid ay aad ugu heelanaayen xal ka gaarinta arimaha curyaamiyey Wadankeena hooyo oo maanta 20 sano jirsaday. Shirarkaas waxaa hurmood ka ahaa Aqoonyahano Somaliyeed ,Odayaal , Dumar, Dhalinyaro iyo Dhamaanqaybaha bulshada ay ka koobantahay.
Safarkayga waxaan sidoo kale la kulmey qurba joogta Beesha Y D, waxaan kala kulmey xaqiiqadii dhiiri galin heersare leh oo ah sidii loogu hurmarin lahaa dhalinta beesha u soo kacaysa meel kaste ha joogaane. Waxayna ugu baaqeen Dhamaan Beesha meel kaste oo ay joogaan in ay ka shaqeeyaan midnimada iyo isku xirka Beesha iyo wada noolaashaha beelaha walaalahood ee ay ood wadaagta yihiin.
Waxay hambalyo iyo mahadcelin usoo jeediyeen firfircoonida shabakada wararka Somaliyeed ee XaarXaar Online iyo howlwadeenadeeda meel kaste oo ay joogaan sida hagar la'aanta ah ee ay u ay iskugi xilqaameen ka horumarinta arimaha bulshada iyo isku xirka beesha, waxa ay usoo jeediyeen dhiiri galin iyo insane ka daalin ee sii wadaan shaqada hufan ee ay Xaarxaar Online u hayso Bulshadeeda. Waxay kaloo ugu hambalyeynayaan dhammaan ummada Somaliyeed gaar ahaan Beesha Sanadka Cusub, ilaahayna uga baryayaan in uu ku gaarsiiyo kiisa kale Nabad iyo barwaaqo Barwaaqo waarta, Aamin Aamiin;
Abdikahin Abdi Ismacil ( Ilkodhagax) ~Holland