» Meeraysane Online Isha Wararka Sugan.  
 
PHOTO GALLERY TACSI
 
 
Waraaq Furan oo ku socota Qurba Joogta Beesha YD
This article has been Published at: 08-01-2010 22: 29: 17and has been viewed 985 times
Waraaq Furan
Ku:   Jaaliyadda Beesha YD ee nool wadanka debediisa
.

Ujeeddo:  Xog waran iyo talla soo jeedin.

 

 

Mudunayaal iyo Marwooyin, shaki la`aan inaad jeceshihiin war fiican inaad gudaha ka maqashaan sidaan u jecelnahay inaan idin ka maqalno war wanaagsan, haseyeeshee waxaad ila ogoshihiin in la sameeyo taariikhda fiican iyo tan xun labadaba.

 

Beesha YD waqtiyadan dambe waxay u jeeday dhinaca fiican taasuna waa warka fiican ee aad jeclaan lahaydeen maqalkiisa, laakin waa mid bilow ah oo u baahan sii wadis iyo dhamaystir.

 

Walaalayaal, beesha waxaa haysta dhibaatooyin u baahan tallo iyo waxtar , waxayse aad ugu baahi qabtaa tallo ay u dhan tahay si ay wada jir ugu hawl gasho fulinta taladeeda, dhibaatooyinka xalka u baahan waxaa ka mid ah:

 

o   Gaabiska ka jira dhinaca adeegyada sida waxbarashada, caafimaadka , biyaha iyo deegaanka.

o   Faqriga dhaqaale xumidda iyo shaqa la`aanta haysata xooga beesha  shaqayn kara

o   Xiriirka aan fadhin , mararka qaarkoodna keena gacan ka hadal iyo dhiig daata ee beesha iyo beelaha la deriska ah .

o   Aragtida laga haysto beesha guud ahaan deegaamada Puntland oo hoos u dhacday wixii ka dambeeyey burburkii qarankii Soomaliyeed.

o   Beesha oo aan ku lahayn golayaasha maamulka dawladda Puntland xubnihii ay mudnayd.

o   Iyo tan ugu daran oo ah beesha oo aan lahayn tallo iyo go`aan mid ah oo ay ku hawlgasho marka ay taagan yihiin arrimaha masiirka iyo mustaqbalka beesha.

 

Waxay ila tahay inaad is weydiinaysaan oo maxaa xal ah haddii sedan xaalku yahy? Xalse ma leeyahay xaalka reerku? Jawaabtu siday aniga ila tahay haah xal waa leeyahay,haddii lawada doonayo xalka dhibaatada iyo  hoosaynta lagu jiro lagaga bixi lahaa.

 

Hadaan aragtidayda idiin hor mariyo waxaan xal u arkaa arrimaha soo socda:

  • Midnimo . wadatashi iyo tallo mid ah.
  • Cilmi , caqli , maal iyo cudud laysu geeyo.
  • Hogaan midda ,distoor iyo hufnaan laysku maamulo.
  • Aqoonta iyo aragtida caafimaadka oo la adeegsado marka wax la qabanayo.
  • Beeshu ciddii ay hawl dirsanayso in loo eego aqoonta iyo kafaa`ada.

Hadaba si guulo loo gaaro waxaan ku tallin lahaa qoddobada soo socda:

  • In la qabto shir weyne beeshu ka qaybgasho gude iyo debed.
  • In shirkaas ay ka soo baxaan go`aamo waxtar u leh beesha xilliga dhow iyo xilliga dheer intaba .
  • In shirkaas uu ka samaysmo guddi siyaasadeed oo hogaamiya dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha , xiriirada gudaha iyo debedda dalka ee danaha beesha
  • Hogaamiye dhaqameedka beesha  aan hadal ka taagnayn.
  • Nidaamka hawsha nabadoonada iyo sida ay ula shaqaynayaan hogaamiyaha dhaqanka ee beesha iyo guddiga siyaasadda beesha.
  • Distoorka beesha .
  • Xiriirka beesha iyo beelaha la deriska , dawlad goboleedyada iyo dawladda Soomaaliyeed.

Anigu maanta waa iga intaase bal idinkuna fakara oo wax ku sii dara tallada.

Asaamu calaykum


Professor Abdirizak A. Gurey

Bosaaso, Somala

 
COMMENTS ( 22 )
Asha_37@yahoo.com

Asc,,,,marka ugu horeyso waxaan mahad u dirayaa prfsarka,,nimanka beesha iyo dumarkaba waxaad moodaa in ay wax si ka yihiin run ahaan hadii loo hadlo, goorta ay baraarugi doonaan ilaah baa garan siiba raga, fadhiga ka kaca oo qeyrkiina wax la qeybsada aniga ahaan waxaan dareymayaa wax la yiraahdo ;\'MAXAA KAA GALAY\' marka ilama adeerayaal GACMO WADAJIR BAY WAX KU GOOOYAAN ee dadkiina dhinaca ka raaca yaadan lumineeeeeeee. wabilaahi tawfiiq

2010-03-13
food_horay@yahoo.com

walaal ninka labaxow marti marka hore soo gudbi magacaaga o buxa iyo waxaad tahay. tankale anagu AWRTALE waxan wada nahay cuqaal ee saas lasoco isimaduna dher yihiin

2010-02-04
MARTI

Waayaab eAwrtable maiswada la egtihiin, mase lahidiin miyaa cuqaal iyo waxgarad talada idiin goooya, shacabkana kuraaco . Ogaada waxaa jiro reero ismaqal ku goowracao suldoonkooda hadana aan kalatagin, adin ka hadaad leedihiin ugaas Saladiin, cuqaal iyo waxagarad maad ismaqashaan kii wardiidana dhinac dhigtaan

2010-02-04
elbis09@hotmail.com

salan sare dhaman beesha YD ehlada kalaba. salan kadi waa Deeq Elbis waxaan aad ugu farax sanahay in aan lenahay meel ku wadaa xariirna oo anaaga noogar ah dhamaan waxaan nu nahay dad wada dhashay meel walbo ood joogtan ba ilaahay ha inkuu dhawro amiin amiin.

2010-01-31
Awoowe.

tolku waa wada talo talo laqaatayna ma jirto. wax daacadnimo iyo waxqabad ah waxaa laga arkaa iskuulka iyo masjidka xaarxaar aad ka dhisteen qurba joogay kuwii dhisay allow wax qeyra ugu badel. war kaalaya dalka dhista qurba joogeey oo deegaan yeesha dadka idinla midka ah ayaa dalka dhistay hadalka badan iska daaya shir been ah munaafaqada iska daaya waxaa lagaarayaa sida dalka Ereteiya in lala xisaabtamo dadka qurba joogta ee aan dalkooda wax ka qaban oo airpoorka la iska celsho kuwa wax qabadka lehna aan soo dhaweyno. Awoowe. Xaarxaar/Meeraysane Burtinleland Soomaalia

2010-01-28
Puntlander

Professorku wuu mahadsanyahay,waxaana aan u arkaa faaladiisa waxyaabaha ay xanbaarsantahay in ay sawir kabixinayso xaalada besha Yd iyo deegaanadeeda,waayo anagu waan lagarankarnaa waxajira waayo wadanka ayaanu joognaa laakiin meesha sartu ka quruntay waxaa weeye qurba joogta dibedaha dagtay ee aan dib usoo fiirin meeshii ay kasoo farcameen waxay ku leeyihiin anagu dad ilbax ah oo nolosha fahmay oo aan ubaahnayn dhul danbeeya in ay aan dibu usoo fiirino, mawaysan arag aduunka qofkasta siduu u aaminsayhay original country-ga uu kayimid mawiinan arag yahuudu siday ugu mintidayso falastiin oo ay qarniyo badan ku taamaysay inay camirato siday uga baxdo daciifnimada iyo madiidinimada ay ku jirtay,kol haday xaaladu saas tahay anigu waxaan cadaynayaa in inta gudaha joogta oo ay ku yartahay waxkasto oo wax fududeynkara haday ahaan lahayd dhaqaale iyo aqoonba in aan diyaar unahay in aan meesha kakacno oo aan waxqabsano laakiin qolooyinka diaspraha ah ee maqaalkan professor c/risaaq akhristay waa in ay inta lafa guraan ay ay wixii kaga aadan oo ay abaartoodu tahay ay ku kacaan.

2010-01-22
oharaare@hotmail.com

waa aniga oo mar labaad ku soo noqday talo soo jeedinta arimaha beesha waxyna aniga ila tahay mar hadii aan aragnay dhibaatooyinka uu soo jeediyay profka kuwaas oo ah kuwo dhab ah mar hadii aan ognahay in beesha ay aad u kala daadsan tahay gudo iyo dibad mar hadaan ognahay dadka ku haray gudaha dalka in intooda badani ay tahay dad xoolodhaqato u badan waxaan soo jeedinayaa in la qaado talaabooyinkaan soo socda 1 waxaan gudaha dalka ka diiwaan galinaynaa NGO u adeega bulshadaas u baahan hiilka aan soo sheegnay iyo wax qabad dhab ah 2 NGO waxaan u samaynaynaa board maamula gudaha iyo dibadaba si loo hirgaliyo himilooyinka aan kor ku soo aragnay 3 NGO wuxuu A/C ku yeelanayaa dibada iyo gudaha wuxuuna fulinayaa mashaariic lagu sameeyay daraasad dhamaystiran qaybna ka qaadanaya adeega bulshada 4 waxaa muhiim ah in xubinimada NGO iyo qaaraankiisa ay xoogiisa ahaadaan dhalin yaro aqoonyahano ah si loo gaaro himilooyinka loo baahan yahay 5 muhiimada ma ahan in lacag la ururiyo loona diro nabadoono ka dibna la yiraahdo lacagtii baa hebel qaatay ama si khalad ah u maamulay ee waa in lagu maamulaa qaab miisaaniyadeen trasparant ah oo la isla ansixiyay sanadkiiba mar ama labo gabogabadii waxaan is leeyahay inta hada coments ka bixisay qormadan aan iska bilowno diiwaan galinta iskuna qorno bil walba qaaraan joogto ah inta la helayo miisaaniya ku filan markiiba hal mashruuc oo yar

2010-01-21
food_horay@yahoo.com

a/s/c mudanayaal iyo murwooyin bacda salaan waxaan sigaara ugfvu mahad celinayaa xaar xaar online iyo pro c/risaaq fikirka wanaagsan ooo uu nooso gud biyey dhamaanteena waa wax loo bahan yahay inlaga qayb qaato una istaagno fikirkaas suuban ani shaqsi ahaan in badan ayaan soo jeediyey talooyinkaas iyo kuwo lamida dhalinta badankeena way soo jeediyeen marka walaalayaal waxaan doonayna awaa hormare danteen aan waxa aan jeeganayno ficil u badalno kana dhabayno una hurno maalkeena iyo wakh tigeena wabilaahi towfiiq

2010-01-13
caraafe12@hotmail.com

waxaan umahad celinayaa pro c/risaaq iyo fikarkiisa wanaagsan ooo uu noo soo jeediyey intaa kadib walaal dhamaanteen inta wax karadkaa waa ogtahay waxa jira sidoo kalena waan garan karna asida looga bixi karo intaa pro kahadlay iyo inta kale ee jirta ani halkaan kuma soo koobi karo waxa jira marka war dhamaanteed aan u hurno wakh tigeena maalkeena iyo caafimaadkeena wabilaahi towfiiq burhaan adaani

2010-01-13
Puntland@hotmail.co.uk

Marka hore waxaan si sharaf badan ugu mahad celin Prof- c/rizaq Axmed oo ah talla bixiyaha waxaan mar labaad u mahad celin dhamaan daalacdayaash Beesha Ee firkirkaan uu wax ku siyaadiyey waxna ka badalay waxaan leeyahay Xumihii hore ka kaalaya xaragadu waa xagee hada hiigsanaa xooga saarna ayada oo la bilaabayoo Bog cusub hase ahaatee hadii la eegayo xumi hii hore waxaa weeye waligay waa hadlaa horeyse uma dhaqaaqo oo waa hadal hamigii ka lumay Mudayaal waan idiin mahadcelin hana la iska ilaaliyo beegasashada Shaqsi iyo wax la mid ah waxaa loo wad asocdaa waa mid waana la wada og yhayu Qore Muhannad C/qani Geelle Tafatiraha Wararka Beesha YD punmtland

2010-01-13
Page 1 2 3   Next »
 

Your e-mail :

Your Comment:




MOST READ
LATEST NEWS
 
 
 
Copyright © 2009 xaarxaar.com - All rights reserved contact: maamulka@xaarxaar.com